-->

rshgrsyherhjrtj

 3. Aragtida Maskaxda (Theory of Mind) 

Xili ay jiraan mashiino badan oo isticmaala nuucyadii hore ee maskaxda macmalka ah. Hase ahaatee Noocan Weli waa uun fikrad aragtiyeed, ama mashruuc weli la horumarinayo.

 

Waxaan dhihi karnaa in Aragtida Maskaxdu ay tahay marxaladda xigta ee hababka maskaxda macmalka ah ee saynisyahannadu hadda ka shaqeynayaan samaynteeda iyo horumarinteeda. Noocan oo kale wuxuu awoodaa sida:(Tignoolajiyada Maskaxda Dareenka Macmalka ah) waxay awood u yeelan doontaa inay fahmaan hay'adaha ay la falgalaan, ogaadaan baahidooda, dareenkooda, mabaadi'da, iyo xitaa habka fikirka.

 

Si aan u fahanno farqiga u dhaxeeya noocaan iyo kii ka horeeyay, aan ka soo qaadno in aad wadato shir muhiim ah, laakiin gaadiidka waddada ayaa ku cabudhinaya oo kaa luminya dareenkaaga.

 

Waxaa laga yaabaa inaad qayliso oo aad waydiiso Khariidadaha Google-ka inuu raadiyo jid-gaab, laakiin app-kani kuma siin doono wax taageero niyadeed ah, sida inuu ku yidhaahdo, "Tani waa waddad ugu dhakhsaha badan ee aan u mari karno, Ma waxaad doonaysaa inaan qof waco si aan u raali galiyo ama aan shirka dib u dhigo in muddo ah?"

 

Hase ahatee Khariidadaha Google ayaa sii wadi doona inay muujiyaan natiijooyin isku mid ah iyadoo lagu saleynayo warbixinnada waddooyinka iyo xogta ay hayso.

 

Laakin adoo isticmaalaya aragtida tignoolajiyada maskaxda, app-kani wuxuu kuu noqon doonaa wehel fiican, wuxuu fahmi doonaa dareenkaaga, fikradahaaga wuxuuna kaa caawin doonaa inaad dareento fiicnaan, taas oo ah waxa la horumarinayo oo hadda laga shaqeeyo gudaha maskaxdaa shucuureed macmalka ah ama maskaxda Dareenka Macmalka ah. (Artificial Emotional Intelligence).

 

 

 

4. Miir Qab (Self Aware)

Ugu dambayntii, mustaqbalka fog ee aan la garanayn, waxa laga yaabaa in aadmigu ugu dambayntii awood u yeesho in uu horumariyo maskaxda macmalka ah ee Miir Qab (Self Aware). Waa isla hay'ada aan ku aragno filimada khayaaliga ah ee sayniska. Noocan AI wuxuu kicin karaa rajooyin badan, laakiin sidoo kale wuxuu kor u qaadaa cabsiyo badan. Fikradda robot-ka is-ogaanshaha ah oo leh caqli iyo madax-bannaani waa dhib, Sababtoo ah taasi waxay ka dhigan tahay in aadanuhu markaas la xaajoonayaan mishiinka ay gacmahooda ku sameeyeen, Natiijada wada xaajoodyadani waxay fursad siinaysaa malo-awaal badan, rajooyin iyo filashooyinka.