-->

Waa Maxay Premium Domain?

 Waa Maxay Premium Domain?


Premium Domain waa magac domain oo qof kale hore ugu diiwaan gashan. Qiimaha qofkaasi kusii iibinayo wuxuu u dhaxayan karaa dawr boqol ilaa dhawr kun oo doolar, qiimahaas oo ku xiran muhiimadda magaca domainka ama suuqa uu yeelan karo magacaasi iyo in uu yahay magac kooban oo si fudud loo xifdin karo.

Sida caadiga ah waxaa magaca domainka lagu diiwaan gashadaa lacag gaaraysa $30 ama wax ka yar. Waxaase marar badan dhacda marka la isku dayo in la diiwaan gashado magac domain in hore uu qof u diiwaan gashaday oo aan magacaas la heli karin. Haddii taasi dhacdo waa in laga sii iibsado qofka diiwaan gashaday, waa hadii uu sii iibinayo, markaasna waxaa lagu iibsanayaa  qiime kabadan kan caadiga ah.

Tusaale ahaan haddii qiimaha Premium Domain uu qofka leh ku sii iibinayo  $400, waxaa dhici karta in shirkadaha diiwaan gelintu ay ku darsadaan lacag dulsaar ah, sida 10%, taas oo ah in mulkiyadda Domainka lagugu soo wareejiyo oo markaas adiga laguu diiwaan geliyo.

Lacagtaas Premium Domain-ka (tusaale ahaan $440) waxaa la bixinayaa hal mar oo keliya, mana aha lacag aad sannad kasta bixinaysid. Wixii markaas ka dambeeya adiga ayaa magacaasi kuu diiwaan gashan yahay, waxaadna sannad kasta bixinaysaa lacagta caadiga ah ee diiwaan gelinta domain-ka oo ah $30 ama wax ka yar. (Dabcan waxaad u baahan tahay Marti-geliye ama Host oo lacag gaar ah laga bixiyo.)

Waxaa dhici kara in aad is weydiisid: Maxaa sababi kara in Premium Domain lacag badan laga bixiyo ayadoo la iibsan karo domain aan cidna u diiwaan gashanayn oo raqiis ah?

Waa su’aal wanaagsan, laakiin qiyaas in aad leedahay ganacsi oo aad doonaysid in aad website u samaysid. Kawarran haddii magacii domain-ka aad raadinaysey uu qof hore ugu diiwaan gashaday oo uu yahay Premium Domain oo lacag badan lagu iibinayo. Waxaa markaas kula gudboon laba arrimood midkood:

  • (1) Inaad magacaas gebi ahaantiisba faraha ka qaadid oo raadsatid magac ka duwan, ama
  • (2) haddii aadan inaba ka maarmi karin magacaas oo muhiimad weyn u leh astaanta iyo aqoonsiga ganacsigaaga in aad markaas shafka u dhigatid qiime sare in aad ka bixisid magaca domainka, adigoo marka hore isku deyaya gorgortan qiimaha.